Jidka Iga Tallaabi—Sheeko Gaaban

Jidka Iga Tallaabi—Sheeko Gaaban
Mohamed-Eid Osman
Tan iyo dhalashadaydii indhaha waxba ka ma arkin, mar kasta oo carruurta qayrkay ah aan eray is dhaafsannana, waxay i xasuusin jireen waxa iga maqan. Yaraantii waxaan ku koray xero qoxooti. Taasina waxay keentay in aanan helin fursad waxbarasho oo aan asaaggay ku gaadho. Aabbahay aad buu ii dhibsan jiray, sababta oo ah wuxuu iga aaminsanaa cuqubo ku dhacday in aan ahay. Aniga oo lix sano jira ayaan fursad deggenaansho ka helay dalka Maraykanka, waxayna taasi ii sahashay in aan helo goob waxbarasho oo u gaar ah dadka laxaadka indhaha beelay ama wax ka soo gaadheen. Waxaan jeclaa in aan barto suugaanta iyo taariikhda, sababta oo ah waxay suugaantu wehel ii ahayd wakhti badan oo mugdi daboolay iftiinka mustaqbalkayga, waxaanan nasiib u yeeshay in aan fursad deeq waxbarasho oo suugaanta iyo jilliinka ah ka helo jaamacadda Howard oo aan aad uga fogayn Baltimore, magaalada aan ku noolaa.
Ka sokow hooyaday oo wakhtigeeda iyo dadaalkeeda isugu gaysay sidii aan wax u baran lahaa, waxaa sidoo kale abaal wayn ii galay mid ka mid ah waardiyeyaasha jaamacadda Howard, oo ii sheegay in uu muddo ku dhow laabatan sano indhoole ahaa. Wuxuu i baray sida usha loogu socdo, shanqadha iyo saxmadda baabuurta, carafta geedaha, iyo jihada dabayshana loo fahmo. Wuxuu furay indho laabta ku yaalla, oo aanan ogayn in aan horay u lahaa. Waxyaabaha aadka ii caawiyay intii aan Jaamacadda joogay waxaa ugu waynaa, in waddooyinka iyo dhammaan adeegyada dadweynuhu lahaayeen adeeg caawinaya dadka laxaadka la’. Waxyaabaha aadka ii caawiyay waxaa ka mid ahaa, adeegga dhawaqa ee hadba kuu sheegaya inta ilbidhiqsi ee kaaga hadhay gudbitaanka jidka baabuurta, jid-cageedyo garab socda laamida oo loo sahlay dadka naafada ah, iyo tiknoolojiyad kuu sahlaysa in ay kugu baraarujiso haddii wax isbeddel ahi jidka ka dhacay ama shaqo cusub oo dibudhis ah laga bilaabay.
Aniga oo noloshaa deggan ee bilaa rabshadda ah iskaga sugan, ayaa jeclaystay in aan fursadaha uga faa’iideeyo walaalihii sidayda oo kale laxaadka la’aa ee wali ku noolaa dalkii aan ku dhawaad labaatan sano ka hor ka soo qaxay. Waxaa safarka igu wehelinayay mid ka mid ah barayaashayda jaamacadda, oo isaguna cilmibaadhis arimaha laxaad la’aanta qusaysa ka waday Saamaaliya. Isla markii aan ka soo degney Nayroobi oo aan ku hakanaynay, waxaa isku dayay in ay i dhacaan askarta ilaalisa dal-ka-galka garoonka diyaaradaha ee Joomo Keenyaata. Waxay la boodeen boorsadaydii, waxaana hal mar isla qayliyay gambaleel ku xidhnaa boorsada. Maadaama oo aanan indhaha waxba ka arkin, waxaa boorsada iigu xidhnaa qalab haddii cidi isku daydo in ay qaadato ku qaylinaya, waana ta keentay in la igu xannibo garoonka muddo dhawr saacadood ah.
Ceebtii ay ka qaadeen iskudayga in ay xadaan boorsadayda waxay cadhadeedii u rogeen, in ay i cabbudhiyaan, ii caga jugleeyaan, oo igu canaadaan garoonka qaybtiisa dambibaadhista. Macallinkii jaamacadda oo arrinta markii hore dusha kala socday ayaa ku guntaday soodayntayda, wuxuuna askartii u sheegay in uuna goobta ka tagayn la’aantay. Waxay markii hore isku dayeen in ay meermeeriyaan, balse way ku guuldarraysteen ka-kungaadhka hadafkaas. Waxayna iska kay soo daayeen dhawr saacadood oo cay iyo cagajuglayn ah ka dib. Waxaa markiiba ii soo baxday isbeddelka dhaqan ee bulshadii aan la noolaa, iyo bulshadan aan dhex imid, waxayna igu abuurtay rejaxumo iyo niyadjab aan ka qaaday qaaradda aan dhalasho ahaan ka soo jeedo. Waxaan maalinkii dambe diyaarad u raacnay caasimadda Itoobiya ee Addiis, halkaana waxaan uga sii gudubnay magaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaalilayn.
Hargeysa waxaa markii hore igu soo dhaweeyay dad badan oo ehelkayga ka mid ah, balse markaan kala hadlay hawshii aan u socday iyo dantaan lahaa, waxay dhammaantood si yasmo leh iigu sheegeen in aanay suurtagal ahayn. Hadallada qalbigayga ku dhegay ee aan dad ehel ahaan ii dhow ka maqlay waxaa ka mid ahaa: “Maxaad cid kale caawisaa, adigii ayaa hagis u baahane?” “Oo macal indhoolayaashu khayaalka waa inala wadaagaan miyaa?” “In aad wax qorto waxaa ka horraysa I naad arkayso waraaqda.” Hadalladaas niyad abka iyo caloolxumada leh shacab kaliya kala ma kulmin, ee waxaaba igaga darnaa dadka aan aqliga iyo aqoonta ku tuhmayay.
Aniga oo quus ka taagan yagleelidda madxaf taariikheed iyo goob lagu uruuriyo, lagu dhawro, laguna dhiirrigeliyo dhaqanka iyo suugaanta, ayaan maalin suuqa isaga baxay. Markaan dhawr daqiiqadood socday, ayaan waxaa hal mar ushaydii iga dafay qof aanan meel uu ka yimid garanayn. Waxaan isku dayay in aan shanqadha gawaadhida iyo jihada dabaysha ku lugeeyo, balse sawaxanka baxaya iyo jidadka oo aan kala xadaysnayn dartood, waxaa iga luntay xasilloonidii aan ku dhegaysan lahaa shanqadhaha iyo dhinaca ay ka imanayaan. Waxaan isku dayay inaan tallaabooyinkayga xisaabiyo, balse aniga oo aan wali halkiiba ka dhaqaaqin ayaa qof degta alaab ku wataa i jiidhay. Aniga oo aan wali kicin ayaa haddana mid mooto wataa meel aad iigu dhaw maray, taas oo keentay in carro iyo boodh madaxa iiga buuxsamaan.
Naxdintii iyo jahawareerkii ayaan dhinacii aan sawaxanka dadka ka maqlayay isu qaaday, balse aniga oo aan iyagii gaadhin ayaan bulaacad ka sokaysa ku dhacay. Aniga oo aan wali bullaacaddii ka dhex bixin ayaa waxaa ila hadlay qof rag ah oo si naxariis leh iigu yidhi: “Walaal ma wax baa ku gaadhay?” Waxaan si kooban ugu sheegay xaaladdayda, isaguna intuu wax i caawinaya iska dhigay oo garabka i qabtay ayuu boorsadii jeebka iga saartay dibna dhiiqada iigu tuuray. Aadba iiga ma fogaane, meel aan maqlayo shanqadhiisa ayuu ku baadhay boorsa-jeebtii, markii uu wixii lacag ku jiray kala baxayna dhiiqada ayuu ku soo dhex tuuray. Aniga oo gacmaha ku raadinaya boorsa-jeebtii ayaa gabadhi ii timid, waxayna iga codsatay inay i caawiso. Waxaan ka baqay in ay sidii ninkii i dhacdo, haddana waxaan xasuustay in aanan wax la iga dhacaba haysan.
Waan ka oggolaaday, waxaana u sheegay inay boorsa-jeebtaydii ila raadiso. Cabbaar markii ay bulaacadda marba dhinac gacanta u gelisay, ayay ugu dambayntii heshay. Waxayna iyada oo faraxsan gacanta ii galisay boorsadii oo qoyan. Inta ay garabka i soo qabatay ayay dhiiqada iga dhex saartay. Markii ay hubsatay in ay jidkii iyo buuqiisaba iga soo dhex qabatayna, si naxariis leh ayay gacanteeda iiga dajisay: “Xaggeed u socotay oo aan ku geeyaa? Mise sidan hadda meelna kuma tegi kartide, gurigaaga ayaan kugu celiyaa?” Waxaan ku farxay sida ay qof maskax furan u tahay, waxaana ka codsaday in ay jidka uun iga tallaabiso, balse way ku adkaysatay inayna cidla igaga tegayn. Mar kasta oo aan ka shakiyo in ay dhib ii gaysanaysaba, wanaaggeeda ayay igu kasbataa, illaa aan gaadhay heer aan niyadda ka sawirto qoftii aanan wali magaceeda waydiin, oo noqotay marwadayda iyo xaas aan nolosha la wadaago.
Aniga oo riyadaas iskaga jira, ayay su’aal igaga naxsatay, waxaana na dhex martay sheekadan:
Iyada: Miyaad ku dhalatay indho la’aanta, mise yaraantii ayaa wax kaa gaadheen?
Aniga: Waan ku soo dhadhay, walaal. Ku maba waydiine, magacaa?
Iyada: Nasteexo, walaal; barasho wanaagsan. Adigana magacaa?
Aniga: Anigana Bile ayaa la i yidhaaye, barasho wanaagsan.
Waxaan cabbaar iska waraysannay waayaha iyo mihnadahayaga nololeed, waxaana meesha ka soo baxay milan nololeed oo aanu midkaayana filanaynin. Waxaan labadayaduba ogaannay in aannu suugaanta isku si u jecelnahay, waliba aanu isku suugaanyahan si gaar ah u danayno. Waxaana halkaa nooga bilaabmay xidhiidh aad u qoto dheer, oo saldhiggiisu ahaa suugaan-jaceyl, iyo nafo keenadiid ah oo diyaar u ah in ay jaraan xadhkaha bulshadu xidhatay ee caqabadaha ku ah qof laxaad la’ sidayda, iyo qofka dheddig sida Nasteexo. Waxaan aniga iyo Nasteexo sannado ka dib ku aqal galnay magaalada Hargeysa, waxaana illaa iyo hadda annaga oo qoys ah ka shaqaynaa dhisidda jid ay ku tallaabaan dadka caqabadaha noloshu fursadaha qaar ka xannibeen, si aan u dhisno bulsho is kicisa, ee aan is kufin.
Mohamed Eid
2/12/2025