Mohamed Eid
Boqol jeer anaa gabay
Mohamed Eid
Waxaan fadhiyay wajahada maqaaxi shaah oo ku taal magaalada Bloomington, markii aan si kadis ah ula kulmay waji aan igu cusbayn balse meel aan ku xasuusto aan garan waayay. Waxaan isku dayay inaan isku mashquuliyo isticmaalka koombiitarkayga oo aan wakhtigaa ka akhrisanayay sheeeko carbeed, balse waxaa halmar iga jiidhay mudutuusha qofkan dhankayga usoo siqaya, ee aad moodaba in uu igu soo beegan yahay. Waxaan isku dayay inaan iska dhigo qof aad u mashquulsan oo aan waxba la socon, balse waxaa kadis igu noqotay dhawaqa cod aan garanayo, balse maqalkiisa sanado badan iigu dambaysay. “Maxamed salaamu calaykum.” ayay igaga naxsatay. Aniga oo isku dhexdaadsan, qaab aan salaanta uga jawaabana aan aqoon, ayaan si jilicsan salaanta uga qaaday. Waxay iga sugaysay inaan soo dhaweeyo ama aan fadhiiso ku idhaahdo, waana sida anshaxa iyo aqliguba ina farayo. Anigu wakhtigaa anshax iyo akhlaaqba waxaa igaga xanuun badnaa xusuusta dib iigu celisay toban sano ka hor iyo maalmo nololeed, oo i ilowsiiyay qofkan fadhiga iyo taagnida u dhaxeysa ee sida qajilaada iyo qaabka yabaalka ah ii kortaagan. Mar dambe oo haddii garsoore qiimaynaya hab-dhaqankaygu uu jiro aan eber heli lahaa, ayaan si qajilaadi ku jirto inay fadhiisato uga codsaday.
Salaan aan mar hore soo gudubnay ayaan qajilaada iyo dareenka caloolyawga leh ku dami is idhi, balse gabadhu waa qof aqoon hore ii leh, oo ma shiddaysan kararahayga. Waxaan iska waraysanay waayo iyo wakhti aan labadayaduba kasoo dul boodnay, waxaana sheeko kooban kadib i macasalaamaysay daaqad nololeed oo igu furtay dhaxan iyo boholyoow, qalbigu ila holcay. Gabadha aan Kadiska ku kulanay waa xaaskaygii hore, xiliga aan kulanyna waa wakhti iyaduna barwaaqo ku jirto, aniguna aan jiilaal abaarsaday jeebabka ka buuxsaday. Markii aan kala tagaynay waxaa laga joogaa mudo 12 sano ah, wakhtigaana waxaan uga tagy sababo iska fududaa oo aan imika ka qoomamaysanahay, balse markaa aan iskula qumanaa.
Waxaa calafku na kulmiyay aniga iyo xaaskayga hore annaga oo aad u yaryar oo da’da lix iyo toban iyo shan iyo toban kala jirna. Waxaan isku guursanay duruuf aad u qalafsan, oo labadayaduba waxaan qoxooti ku ahayn kaamka Dulcad oo ku yaala duleedka Harta-Sheekha oo hoostimaada degmada Qabribayax oo ka tirsan gobolka Faafan. Waa goob nolosha aan waxba gacanta noogu jirin, oo qamadiga laga soo qaaraamo qoxootiyada ayaan qaybtayada bishii weelka u hoorsanaa. Markii aan guursaday waxaan ku qasbanaaday inaan magaalada u xammaal tago, xaaskayguna waxay khudaar iyo caano hadba kay hesho ku gadi jirtay wado suuqa ku taal. Maadaama shaqadu iska adkayd oo xammaalnimadu rafaad iska ahayd, waxaan bartay geedka Soomaali badani wakhtiga isku dhaafiso ee qaadka. Markii hore waxaan yar qaniini jiray uun maalmaha aan shaqaynayo si aan hawsha culayskeeda isugu dhaafiyo, balse waxaan markii dambe gaadhay heer aan kiciba waayo haddaanan laantiisa qaniinsanayn.
Waxa aan maalinkii shaqeeyaa wuxuu awal biil u ahaa reerka oo dhan, balse imika afkaygaba ma dheera. Xaaskaygu intii hore aad ayay iigala xishoon jirtay inay qaadka iyo arimihiisa igala hadasho, balse markii aan habeenkiina soo hoyan waayay, maalinkiina shilin keeni waayay ayaa dhinaceedii qadhaadhaa banaanka usoo baxay. Sababta ugu wayn ee xaaskaygu iigu kacsanayd ma ahayn inaan shaqadaydii gabay, balse waxay aad uga xumaatay in ay walac ahayd, aniguna aanan war iyo wacaalba u hayn. Markay illaa bil cadho la aamusnayd, aniguna aaban qaadkii ku sii waashay ee waxaan helo iyo wax aan amaahdaba ijibane, barje, iyo biyo-raacisba isugu qabtay, ayaan maalin jimce ah sidii nin biil dhiibtay ‘maraq inoogu tuur’ ku idhi. Iyadana cadho ayaa kuraagtay, ciilna waa buuxdhaafshaye cay iyo naclad ayay iigu qubaysay.
Khilaafkii maalintaa dhacay waxaa soo qubtay ilmahaygii curad oo aan wali ifka iman. Waxay cadho iyo kabasho isku dhafan igaga maqnayd laba bilood, waxayse ahayd qof qalbi wanaagsane, way iska kay cafisay aniga oon u qalmin. Waxaan u qaaday ballamo aad u culus oo inaan qaadka daynayo kow ka tahay, balse anigoon ka tagin ayaaban ka fikirayay maqaaxida aan galabtaa ku qayili lahaa. Waxaan qaadka kala dhuumanayay mudo sanad ku dhow, balse iyaduba waa ogayd inaan cuno oo wax qarsoomi kara ma ahayn. Annaga oo sidii ah oo aan qaadkiina ku waalanahay iyaduna reerka dhan ka biisho caanihii iyo khudaartii ayaa wiil noogu dhashay. Wuxuu ahaa wiil runtii noloshayda wax badan ka bedelay. Markaan aabbe noqday ayaan billaabay inaan mas’uuliyada qoyska xoogga saaro. Waxaan yareeyay qaadkii badnaa, waxaanan billaabay shaqo joogto ah oo xammaalka ii nolol dhaanta. Waxaanan bartay xirfada guri dhiska oo markaa aad ugu yarayd deegaanka aan ku noolaa, illaa heer aan shaqooyin iyo qandaraasyo ka helo caasimadaha iyo magaalooyinka waaweyn ee gobolkja.
Nimco walba nusqaan ayay leedahaye, markii aan dhaqaale fiican helay ayaan ku laabtay balwadahaygii xilka lahaa. Haddii aan awal la qayili jiray xamaaliinta iyo dad iska masaakiin ah, hadda waxaan la fadhiistaa madax iyo ganacsato. Waxaan dareemay inaan qayb ka ahay dad wax gal ah oo qab aanan awal hore lahayn ayaa i galay. Qaadka awal waxaan ka cuni jiray ka wadaniga ah ee beeraha soomaalida ka baxa, haddase wax aan kiiloo Awaday ah ahayni igama dago. Halkaas ayaan habeen oo dhan fooqaq riyo ah dhisaa, maalintiina guryo rag leeyahay ayaan dhidibkooda taagaa. Qaadkii iyo qarashkii badnaa wuxuu i baday inaan aniga oo marwadii koobaadba meel saarin qooq cusub iyo guur labaad maago. Waxaan gabadh kale ku mehersaday qoxootiga Qabribayax. Inaksta oo aan qarash ahaan labadaba ku fillaa, haddana waxaan iloobay in qarash kaliya qoys lagu dhaqin.
Ilmo labaad iyo sanad kale oo aan minyaro qarsoodi ku qabay ka dib, waxaan fursad aniga iyo labadaydii xaasba u hellay fursad Mareykan lagu imanayo. Maadama aan xaaskayga iyo caruurtayda isku kaar ahayn waxaan ku qasbanaa inaan iyaga raaco, balkse minyaradii markii ay ogaatay inaan xaas iyo carruur leeyahay ayay cadhadii gurigiina dumisay, kii kalana inay lugta kusii qaado go’aansatay. Wali xaaskayga wayni iyada oo xanaaqsan haddana waxay go’aansatay in uu gurigu sii dhisnaado. Waxaan isku dayay inaan markan si dhab ah isu badalo, waxaase dhibku ka taagnaa in la i aamino. Maadaama aan marar badan darbigii kalsoonida dumiyay, wuxuu reerku sanad kale ku sii dhisnaa dulqaadka xaaskayga iyo aniga oo aan marka horeba furriin diyaar u ahayn.
Annaga oo sidii u kala aamusan, laakiin carruurta wada dhaqana ayaan Mareykan kusoo galnay. Sannad buuxa markii aan sidii u kala aamusnayn, noloshii wadankana aan soo fahmayno ayay maalin iga codsatay inaan wada fadhiisano. Dhibka ugu wayni wali wuxuu ka jiraa dhankayga oo sidii ayaan qaadkii baas oo wadankan mamnuuc ka ah ugu falanahay. Waxay maalintaa toban daqiiqo iigu soo koobtay 7 sano oo cadaab ah. Waxay igu dul qubtay qaladkasta oo aan maalin ka galay iyo xanuunka uu gaadhsiiyay. Waxay hadalkana iigu soo koobtay; ‘waxaan rabaa warqadayda, meherkayga, iyo masruufka ubadkayga.’ Talo ayaa igu caddaatay. Waxaan garan waayay meel aan wax ka billaabo. Waxaan mudo todoba sano ah iskaga noolaa nolol aan welwel iyo walaac badan lahayn, waxaana halmar la iga hoos qaaday saldhig iyo tiir nololeed oo aan iska dhayalsaday.
Maalintaa iyo maanta oo aan xaaskaygii hore maqaaxida ku kulanay waxaa u dhaxaysay mudo sagaal sano ah. Wali sidii aan u kala tagnay dib uma guursan. Waxaan maalintaa go’aan ku gaadhay inaan noloshayda bedelo oo aan ubadkayga korsado. Wakhtigii aan isfuraynay waxaan markii hore rabay inaan carruurta iyada u daayo oo aan ku biilo, balse waxaan ka baqay inaan ciyaalkayga kala go’no oo xidhiidhkayagu noqdo mid aan joogto ahayn. Si aan uga gaashaanto dhibtaas, waxaan ku heshiinay in aan anigu ciyaalka hasyto 3 maalmood, iyaduna ay haysato 4 maalmood. Heshiiskaasi sidiisa uma dhaqan gelin, oo sanadba iyada oon la gaadhin ayay nin kale guursatay, aniga oo xaalka qiimaynayana waxaan qorshaystay inaan si toos ah carruurtayda mas’uuliyadooda dusha ugu rito.
Waxaan u soo guuray Minnesota oo aan markaa ku ogaa dad ehelkayga ah, xaaskaygii horena waxay ku hadhay Sandiego, California. Waxaan galay nolol jihaad ah oo aan ubadkayga ku korinayo, si aan hadafkaa uga midho dhaliyana waxaan dib u billaabay inaan waxbarto. Maadaama oo aan aqaanay xirfada guri dhisitaanka, waxaan isla markiiba horay ka galay jaamacad lagu barto farsamada gacanta iyo dhismaha guryaha, wakhti kooban gudeheedna waxaan ku noqday Injineer buuxa. Dhawrkii sano ee hore waan ku rafaaday korinta ubadkayga oo aniga laftayda aya iska dhalinyaro ahaa. Markaan xaaskayga kala tagnay waxaan ahaa labaatan iyo sadex sano oo kaliya.
Sababta ugu wayn ee aan xidhiidhkayagu aanu u xumaani ma ahay oo kaliya inaan kala fogaanay, ee waxaan sannad walba wakhtiga fasaxa ah u diri jiray ciyaalka oo wakhti la qaadan jiray. Sidoo kale waxaan ciyaalka u gaday taleefano ay hooyadood marwalba kala xidhiidhaan, aniguna marka laga reebo qoraalo kooban oo aan caruurta xaaladohooda iyo waxbarashadooda iskaga waraysanayno, waxaan dhamaanba jaray inaan xidhiidh kale yeelano, aniga oo ixtiraamaya qoyskeeda cusub iyo dareenka ninkeeda. Wuxuu u noqday nabsi-bixii rafaadka aan anigu baday. Inkasta oo ay da’ahaan kortayna, maanta ayay ka qurux iyo qaayaba wacantahay maalintii aan bartay. Aragtideedu waxay i xasuusisay maansadii:
Iyadoo bidhaan wacan
Annaa buuqa keenoo
Intaan baydkii gaas sudhay
Balalkiina ugu daray
Anigaa bartaydiyo
Baradii ka saaroo
Intaan baaqaq raacaan
Botor iyo ciyaar tumay
Gafkaygii badnaabay
Aakhrkii ka boodoo
Inkastooy i tidhi bye
Boqol jeer anaa gabay.