Waxa uu ahaa wiil mudo badan ku mashquulsanaa waxbarasho oo aan jaanis badan u helin sheeko iyo haasaawe. Inta ugu badan wuxuu dhalinyaronimadiisa ku qaatay kalinimo oo qol gaar ah ayuu ka dagaanaa guryaha jaamacada. Inkasta oo ay jikada wadaagi jireen ardey kale oo guriga qayb ka deganaa, ma ahayn dadka wax karsada oo inta badan umuu baahan jirin isticmaalkeeda. Wuxuu la qabsaday koobnaantaas iyo noloshaa isku tiirsanaanta ah ee aanu qofna waxba ku darsan. 

Markii uu jaamacada dhameeyay hore ayuu shaqo ka bilaabay, wuxuuna guri kooban oo labo maqsin ah ka iibsaday meel magaalada dhexdeeda ah. Maadaama oo wakhtigii badnaa ee uu waxbarashada galin jiray soo koobmay, shaqadiisuna aanay ahayn mid culays iyo saacado dheeri ah uga baahan, wuxuu dareemay kalinimada isku-filaanta. Wuxuu garwaaqsaday inuu u baahanyahay wehel iyo qof nolosha la qaybsada. 

Waxay is barteen gabadh sidiisa aqoon leh oo wax baratay, dabeecad ahaanse aad uga duwan isaga. Waxay la noolayd ehelkeeda, gurigana waxaa ku wehelinayay dhawr caruur ah oo iyada hoos uga sii yaraa. Intii hore ee ay isku cusbaayeen aad buu u koolkoolin jiray, oo marna mayna dareemin daneyn la’aan dhankiisa ah. Waxay ku heshiiyeen inay aqal galaan, reerkuna waa isugu duceeyay. 

Maadaama oo aanu noloshiisa intii badnayd cidna la soo noolaan, durba waxaa culays ku noqday nolosha wax qaybsiga iyo lamaanaha oo sida uu dareemay khalkhal galisay isku-filaanshihii iyo maamulkii kaligii gacanta ugu jiray. Inaksta oo gabadhu ku dedaashay in aanay talada ka faro maroojin xaajigeeda, waxay dareentay in wax kasta oo ay samaysaa diiqad galiyaan. 

Wax uu dulqaato oo iska adkaystaba, maalinkii dambe ayuu furka tuurtay. Dhibku wuxuu ka dhashay dawada cadyga. Xaaskiisu waxay dawada cadayga ka maroojisaa dhexda markay isticmaalayso, halka isagu uu salka ugu dambaysa kasoo tuujiyo. “Waxaa tahay qof aan masuuliyad garanayn oo mudayac ah. Maalin walba dawada cadayga waad khasaarisaa. U malayn maayo inaan sidan kusii wada joogi karno, ee iigu yeedh oday warqada kuu qaada.” Hadalada caynkaas ah oo iyada qaadan waa ku noqday, waxay ahaayeen sababtii qoyskoodu ku burburay, dhibtuse intaa ka xeeldheer. 

Mohamed Eid