➢ Badanaa ardaydu marka ay jaamacada dhigtaan waxay xooga saaraan akhriska casharada laga rabo iyo buugta macalimiintu u asteeyeen si ay ugu baasaan imtixaanada iyo tijaabooyinka laga rabo. Qaabkaas waxbarasho ee noocaas ahi waa mid dajisan oo loo qaabeeyay in qofka lagaga dhiso qaababka kala duwan ee uga faa’idaysan lahaa garaadkiisa, kartidiiisa, iyo hibooyinkiisa. Arintan aniga oo markii horeba inaan wax ka qoro maagan, ayaa maalin dhawayd waxaan wax iska waydiinay Dr. AbdiRizak M. Warfa oo runtii isaga laftiisu talo iyo fikirba igu soo kordhiyay.
o Dadka qaar waxay ku doodaan in ujeedka u wayn ee waxbarashu yahay in ardayga la baro “xirfad” u uku shaqaysto oo uu bariiskiisa ka bislaysto, halka qaar kale ku doodaan waxa ardayga wax loo baraa in “garaadkiisa la kobciyo”. Labada qoloba ma qaldana, waxayna ku xidhantahay wadanka ardaygu joogo, jaamacada ama macadka uu wax ka barto, dhaqanka nololleed ee goobtaa ka jira, iyo xidhiidhka ka dhexeeya fursadaha shaqo iyo waxbarashada degaankaas.
o Tusaale ahaan, qofka wax ka barta jaamacad ku taala Marayknanka ee qaaliga ah, waxa shaki la’aan ah daynta uu waxbarashada ku dhigto iyo qarashka kaga baxaa inay saameyn ku yeelan doonaan go’aanka iyo habka uu u qiimeeyo waxa uu bartay iyo sida uu u isticmaalayo. Halka ardayga wadankiisu usoo dirsaday in uu soo barto qaabka loo dhiso biriish ama laami, ee wax ku bartay deeq dawladeed uu ka fikir duwanaanayo midka isla dalkaa laga soo diray wax ku barta. Isku soo wada duub oo, jaamacada dhamaynteedu ma aha Meesha waxbarashadu ka bilaabato, balse waxaaban aaminsanahay in markaa uun ka dib ay waxbarashada rasmiga ahi bilaabato.
•Qoraalkaygan oon ugu talo galay in aan si kooban ugu sharxo 3 cashar oo aan jaamacada ka bartay, wuxuu guntiisa iyo gunaanadkiisu isugu biyo shuban doonaa qorshe waxbarasho oo ka madax banaan nidaamka jaamacada, gundhigna u noqon doona qaababka aan rabo inaan uga faa’iidaysto xirfadihii la isoo baray.
Maxaan Jaamacada Ka Bartay?
❖ Waxa ugu horeeya ee aan jaamacada ka bartay haddaan ku billaabo, waxaan ogaaday in aan ahay jaahil haantiisa cilmigu madhantahay, oo u baahan in uu wax korodsado inta noloshiisa ka dhiman. Sababta koobaad ee jahligayguna waxay daarranayd qaladka aan marka horeba ka haystay waxbarashada, iyo ismooganaanta naftayda. Markasta oo aan akhriyo bug, waxaa ii soo baxda jahliga aan ku jiro iyo mugdiga ku gadaaman waxbarashadayda, waayo waxaa duma gidaar qab ahaa oo igu wareegsanaa. Aqoonta noloshu sideedaba way jaadad iyo noocyo badan tahay, si kasta oo aad wakhti u gelisana, waxa aad ka barato waxaa ka badan inta kaa maqan, ogaanshaha in in badani kaa maqantahayna wuxuu sahlaa in inta aad taqaano ama baratay ku anfacdo oo baahiyahaaga ay daboosho.
❖ Waxaa kale oon bartay sida ugu haboon ee aan u isticmaali lahaa xirfadaha aan ka bartay. Inta badan ardaynimadu waxaa lagu bartaa dulqaadka. In qofku dul u yeesho oo ku samro waxbarashada wakhti qofku da’ahaan yaryahay jidh ahaana xooggan yahay. Xiliga dhalinyaronimada ee qofku wali waayo arkin way adagtahay in uu isaga oo fursad u uku shaqayto heli kara gaar ahaan dadkayaga qurbaha iyo meelaha fursadaha leh jooga, in aad wakhti iyo hantiba geliso waxbarasho xataa dhaqaalaha kaa soo galaaba iska kooban yahay. Sidoo kale ka bulsho ahaan, dadka Soomaalidu ma qiimeeyaan muhiimada waxbarashad, taasina waxay keentaa in qofku wax u barto inuu baahida kaga baxo, balse ardaynima ayaa ah xiliga xiliga qofku ugu baahida badan yahay. Waxba yaana dulqaadka waxbarashada ku dheeraane, akhriska oo u baahan la qabsi iyo dulqaad joogto ahi wuxuu ka mid yahay arimaha ugu muhiimsan ee qofku joojiyo marka uu jaamacada dhameeyo, balse anigu aan hubo inaan kansho fiican u heli doono.
❖ Arinka 3 aad oo ah mida aan is leeyahay waa tan ugu muhiimsani waa in aan bartay qaabka loo raadsado cilmiga iyo duruusta iga maqan ama aan jaahilka ka ahay. Asluubta haboon ee wax loo darsaa waxay salka ku haysaa abuurta dunida iyo amarka Eebbe u sheegay malaa’igta in Aadam khaliif looga dhigayo dhulka, inay su’aal ka keeneen iyaga oo ku dacwoonaya in uu fasahaad iyo dhiig ku daadin doono, balse ay iyagu ay mahadintiisa iyo amaantiisa ka shaqaynayaan, waxa Eebbe ugu jawaabay, “waxaan ogahay wax aydaan aqoon u lahayn.” Si uu malaa’igta ugu bayaamiyo Eebbe in uu xikmad ka lahaa abuurista Aadam iyo in aduunka wakil looga dhigo, wuxuu Aadam baray magacyada dhamaantood, wuxuuna malaa’igta xujo uga dhigay inay u sheegaan magacyadaaas qaar ka mid ah, taas oo muujisay xikmada Eebbe ee aan xataa malaa’igta macsuumiinta ahi gaadhi karin. Cilmi in la helaa waxay u baahan tahay inaad marto jidka saxda ah ee aad cilmigaa ku heli karto, waxbarashadii jaamacaduna waxay ii sahashay in aan jidkaa helo.
Gunaanad:
✓ Aan soo koobee, inkasta oo waxbarashadayda rasmiga ahi hadda bilaabatay, wax badan ayaan ka faa’iiday jaamacada. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan ka faa’iiday waa in aan bartay naftayda, kartidayda, iyo heerka ay gaadhsiisan tahay aqoontaydu. Waxaa kale oo aan bartay dad badan oo wanaagsan oo saamayn togan ku yeeshay qofnimadayda, korriinkayga, iyo caqligaygaba. Qofka bini aadamka ahi marka uu jid qaado waxa ugu muhiimsan ee uu u qaaday waa in uu jidkaasi geeyo meel uu dan iyo ujeedo kalahaa, sidaa darted dhib kuma hayso in jidkaa roob ku helo, in uu kaligii safro, iyo in cidi marti soortaba, lkn haddii uu sooryo, sariir, iyo saaxiib jidkaa ka helo waxaa mudan in uu abaalkaa celiyo, mahad naqna ku daro. Maalinka qof sidiisa safar ahaa soo marana, qofkaa marti sooro, una miyiriyo oo diiqadda iyo qalada jidka ka biiyo. Aniguna waxaan goostay in aan noqdo qof abaalkii loo galayna guda, amaan iyo mahadnaqna, cid walba oo maalin I tartay ku tuulo.