Dhirtu way is xigataa Is xanaanisaayoo Xididkeeda hoosay Xogaha iska siiyaan Dhibta iyo xadgudubkiyo Xayawaan jajabiyiyo Xooleheena daaqiyo Dadka xuladka galiyee Gudin kula xarbiyayay La xifaaltantaa oo Xurguf iyo dagaal iyo Xurmadiisa goysaa Marka...
By murtidamaxamed1 min readGabay
Dhirtu way is xigataa
Is xanaanisaayoo
Xididkeeda hoosay
Xogaha iska siiyaan
Dhibta iyo xadgudubkiyo
Xayawaan jajabiyiyo
Xooleheena daaqiyo
Dadka xuladka galiyee
Gudin kula xarbiyayay
La xifaaltantaa oo
Xurguf iyo dagaal iyo
Xurmadiisa goysaa
Marka geed xanuunsado
Ama dhaawac xoogliyo
Uu gaadho nabar xuni
Ways xanaaniyaan oo
Xeelad lagu badbaadshiyo
Cudud bay ku xoojaan
Biyihiyo xareeday
Xididka iska siiyaan
Xaga sare ilayskay
Iska xoojiyaanoo
Daadkaa dhex xulayay
Xumbo kala hadhaanoo
Way is xiiso galiyaan
Xanta way yaqaanaan
Qofkastoo xumeeyana
Xogihiisa gaarkiyo
Dabciigisa xidhan bay
Sida xoolohoo kale
Urta ugu xambaaraan
Xaalkooda nololeed
Xeerar lagu badbaadiyo
Xukun bay dhisteenoo
Waa dawlad xoogbadan
Oo xaakimkeediyo
Madaxdeeda xulatoo
Darajiyo xil kala mudan.
Mohamed Eid
About the Writer
Mohamed Eid writes from Somali memory, language, and public service.
Afka Suugaanta is Mohamed Eid's archive of Somali maqaalo, poetry,
diaspora stories, cultural reflection, and justice-focused writing.
The work is written for readers who care about language, belonging,
family memory, and artistic expression.
Gidaarkii dhaxantee Nafta gaadh u noqdee Aan ku hoos gam’ayaay Garabkii midigee Gadgadoonka aduun Marka aan ku gafeen Guuro fiirsi la’aan Gacan ii fidisee Gargaar ii noqotaay Hooyaday gacalooy Galool...
Oh sweet and tender love, how fair thou art! Thou bringeth joy and peace to every heart. In thee we find a solace from life’s strife, And bask in glory...