Skip to article

Poetry / Gabay

Hooyo

Gidaarkii dhaxantee Nafta gaadh u noqdee Aan ku hoos gam’ayaay Garabkii midigee Gadgadoonka aduun Marka aan ku gafeen Guuro fiirsi la’aan Gacan ii fidisee Gargaar ii noqotaay Hooyaday gacalooy Galool aan hadhsadaay Gogol aan...

Gidaarkii dhaxantee

Nafta gaadh u noqdee

Aan ku hoos gam’ayaay

Garabkii midigee

Gadgadoonka aduun

Marka aan ku gafeen

Guuro fiirsi la’aan

Gacan ii fidisee

Gargaar ii noqotaay

Hooyaday gacalooy

Galool aan hadhsadaay

Gogol aan ku ladoon

Abaalkeed gudinoo

Isoo gaajo tirtaay

Hooyaday gacalooy

Gob isoo korsatoon

Iga qaadan gunoon

Sharaf ii gunudaay

Giniyaadka aduun

Iima goyn karayaan

Maalin aan gundhadoo

Qaydkii aad guntanayd

Mooday uu go’ayoo

Naxdin gaw la tidhee

Marka aad galbatee

Qabrigaaga gashee

Geeridaadu timaad

Guulle hooyo macaan

Abaalkaaga gudyoo

Janadiisa ku gee!!!

About the Writer

Mohamed Eid writes from Somali memory, language, and public service.

Afka Suugaanta is Mohamed Eid's archive of Somali maqaalo, poetry, diaspora stories, cultural reflection, and justice-focused writing. The work is written for readers who care about language, belonging, family memory, and artistic expression.

Continue

Move through the archive