Skip to article

Maqaalo

Imaam Al-Qazaali: Difaacihii waxyiga ka difaacay kibirka caqliga

Imaam Al-Qazaali: Difaacihii waxyiga ka difaacay kibirka caqliga Dr Nuur Hassan Qoraaga qormada Ingiriisiga ah ee laga soo turjumay. 24kii bisha May, waxaan qoray maqaal kooban oo ku saabsan habka loo akhriyo mufakarriinta reer...

Imaam Al-Qazaali: Difaacihii waxyiga ka difaacay kibirka caqliga

Dr Nuur Hassan

Dr Nuur Hassan

Qoraaga qormada Ingiriisiga ah ee laga soo turjumay.

24kii bisha May, waxaan qoray maqaal kooban oo ku saabsan habka loo akhriyo mufakarriinta reer galbeedka ee ku caanka ah jiraalka alle-koodka ah (atheistic existentialists), sida Nietzsche, Camus, iyo Sartre, iyadoo aadan luminayn Diintaada. Maqaalkaas waxaan ku soo bandhigay talooyin dhawr ah oo waxtar u leh akhristayaasha dhallinyarada ah ee Muslimiinta ah, kuwaas oo doonaya inay dhuuxaan mufakiriintaas iyagoo dhanka kalena ilaashanaya caqiidadooda Islaamka.

Maqaalkan, waxaan u weecanayaa saddex magac oo waaweyn oo ka tirsan dhaxalka aqooneed ee Islaamka: Al-Faaraabi, Ibn Sinaa, iyo Imaam Al-Qazaali. Biyodhaca guud ee halkan aan ku difaacayo waa mid fudud: in kasta oo Al-Faaraabi iyo Ibn Sinaa ay ahaayeen faylasuufyo Muslimiin ah oo aad u xeeldheer, laakiin, ku-tiirsanaantooda xad-dhaafka ah ee falsafaddii Giriigga iyo caqliga sooca ah (pure reason) ayaa u baahan akhris aad u foojigan. Dhanka kale, Imaam Al-Qazaali wuxuu aqristaha Muslimka ah u bandhigayaa jid ka ammaan badan, kana miisaaman (grounded), sababtoo ah wuxuu waxyiga ka sarreysiiyay qiyaasta aadanaha iyo isla-weynida aqooneed.

Falsafadda Giriigga iyo baadi-doonka wixii ka shisheeya adduunka la taaban karo

Laba faylasuuf oo ka tirsanaa Giriiggii hore ayaa gaadhay kaalinta ugu sarraysa ee falsafaddii hore (classical philosophy): Balaato (Plato)iyo Aristootal (Aristotle). Labaduba ma danaynayn oo kaliya adduunka muuqda ee la taaban karo, balse waxay sidoo kale baadigoobayeen wax ka gundheer oo ka shisheeya waxa aynu arki karno ama taaban karno. Laantan falsafadda ka mid ah ayaa markii dambe loo aqoonsaday Meetafiisigis (Metaphysics) oo Soomaali ahaan loo macneheedu noqonayo, wixii ka shisheeya adduunka muuqda.

Meetafiisigisku wuxuu isweydiiyaa su’aalo ay ka mid yihiin:

  • Waa maxay dhabtu/xaqiiqadu (reality)?
  • Waa maxay naftu/ruuxdu?
  • Ilaah ma jiraa?
  • Waa maxay ujeeddada noloshu?
  • Maxaa ka shisheeya adduunka maadiga ah?

In kasta oo cilmiga Fiisigisku (physics) uu yahay barashada uunka muuqda, cilimga Meetafisigisku (metaphysics) wuxuu isku dayaa inuu fahmo waxa ka dambeeya uunkaas.

Balaato wuxuu rumeysnaa in adduunka aynu aragno uu yahay uun hooska ama hadhka xaqiiqo dhammaystiran oo ka sarraysa. Halka uu Aristootal ka ahaa mid ka nidaamsan oo ka xeeldheer. Wuxuu dhisay nidaamyo waaweyn oo ku saabsan mandiqa, anshaxa, siyaasadda, sayniska, iyo meetafiisigiska, isaga oo isku dayaya inuu agaasimo aqoonta aadanaha, uuna sharaxo dhabta ama xaqiiqda, isaga oo isticmaalaya caqli iyo u fiirsasho.

Saamaynta ay ku yeesheen falsafaddii ka dambaysay waxay ahayd mid aad u weyn. Boqolaal sano iyo kabadan ayay darsayeen fallaasafaddii caalamku kaydka aqoontooda si ay u fahmaan jiraalka, runta, iyo dunida aan muuqan (unseen world).

Al-Faaraabi iyo Ibn Sinaa: Kacdoonka Caqliga ee Muslimiinta dhexdooda

Islaamka dhexdiisa waxyiga laguma xukumo caqliga, balse caqligu waa inuu ku hoos shaqeeyaa waxyiga.

Ka dib waxaa yimid laba mufakir oo waaweyn oo Muslimiin ah: Al-Faaraabi iyo Ibn Sinaa. Labadaba waxaa saamayn qoto dheer ku yeeshay Balaato iyo Aristootal. Waxay la dhaceen oo u riyaaqeen falsafaddii Giriigga, waxayna isku dayeen inay is-waafajiyaan falsafadda Giriiga iyo Islaamka.

Dhibaatadu ma ahayn inay barteen falsafadda Giriigga, waayo Islaamku marna kama hor imaan aqoon, fikir, ama caqliga oo la adeegsado, ee arrintu waxay ahayd mid intaa ka qoto dheer kana halis badan.

Al-Faaraabi iyo Ibn Sinaa waxay inta badan u adeegsan jireen caqliga iyo falsafaddu inay yihiin agabka ugu sarreeya ee lagu fahmo waxyiga iyo xaqiiqda. Qoraaladooda qaarkood, caqliga ayaa u muuqday inuu yahay sayidka, halka waxyiguna uu noqday wax u baahan in lagu fasiro falsafadda iyo caqliga sooca ah.

Waxay ku doodeen in caqliga aadanuhu uu gaadhi karo xaqiiqooyin aad u sarreeya oo ku saabsan Illaahay, jiraalka, iyo koonka. Waxay sidoo kale ku sharxeen nubuwwada (sunnada Nabiga SCW) iyo waxyiga (Qur’aanka) qaab iyo luuqad falsafaddaysan oo ka badbadis ah. Tani waxay dhibtay culimadii cilmul-kalaamka (theologians) ee Muslimiinta, sababtoo ah Islaamka dhexdiisa waxyiga laguma xukumo caqliga, balse caqligu waa inuu ku hoos shaqeeyaa waxyiga. Haddii uu khilaaf dhexdooda yimaaddana, caqliga waa laga baydhayaa oo waxyiga ayaa la qaadanayaa.

Fikradahooda qaarkood ayaa noqday kuwo buuq iyo muran badan dhaliyay. Waxaa ka mid ahaa aaminsanaanta ah in koonku uu yahay mid abidkiiba soo jiray (eternal) oo aan la abuurin xilli gaar ah, fikradda ah in Allah uu ogyahay uun xaalka guud (universals) balse uuna ogayn tafaasiisha yaryar ee qof kasta u gaarka ah sida ay caqiidada Islaamku dhigayso, iyo sharraxaado falsafaddeed oo ku saabsan soo-nooleynta (resurrection) kuwaas oo wiiqay fahamkii soo-jireenka ahaa ee ahaa in jidhka dib loo soo nooleyn doono Maalinta Qiyaame. Fikradahani waxay si toos ah uga hor imanayaan Qur’anka iyo Sunnada Nabiga (CSW), sidaas darteedna waxay keeneen walaac weyn oo xagga caqiidada ah oo ka dhex dhashay culimada Muslimiinta.

Imaam Al-Qazaali iyo “Gabidhicii Faylasuufyada” (Tahafut al-Falasifah)

Wuxuu ku dooday in marka caqligu ku siqo dunida aan muuqan (unseen world) isagoon waxyi hagayn, uu noqon karo mid isla-weyn oo halis ah.

Ka dib waxaa yimid Imaam Al-Qazaali: caalim ku takhasusay caqiidada, shareecada, falsafadda, iyo macallin weyn oo dhanka mandiqa ah. Si ka duwan dadka kale ee naqdiya falsafadda, Al-Qazaali wuxuu falsafadda u fahmay si xeel dheer ka hor intaanu naqdin. Wuxuu si taxaddar leh u dersay culuumtii Al-Faraabi iyo Ibn Sinaa, wuxuuna xataa ka qoray koobis qusaysa falsafaddooda ka hor intii uuna u jawaabin.

Buugiisa caanka ah ee Gabidhicii Faylasuufyada (Tahāfut al-Falāsifah), wuxuu noqday mid ka mid ah naqdiyadii ugu muhiimsanaa ee falsafadda lagu sameeyo taariikhda Islaamka, ilaa maantana waa sidiisii.

Waa inaan fahano, in aanu Al-Qazaali ahayn mid ka hor imaanaya caqliga ama falsafadda. Wuxuu oggolaaday mantiqa, xisaabta, iyo fikirka toolmoon. Balse wuxuu rumeysnaa in caqligu leeyahay xad, garaadka aadanuhu waa mid awood leh, laakiin ma aha mid aan xad lahayn ama ka badbaadi kara khaladaadka. Wuxuu ku dooday in marka caqligu ku siqo dunida aan muuqan (unseen world) isagoon waxyi hagayn, uu noqon karo mid isla-weyn oo halis ah.

Naqdintiisii ugu weynayd ee uu u soo jeediyay Al-Faaraabi iyo Ibn Sinaa waxay ahayd inay waxyiga ka dhigeen mid u adeega falsafaddii Giriigga, halkii ay falsafadda ka dhigi lahaayeen mid u adeegta waxyiga.

Buugga dhexdiisa, Al-Qazaali wuxuu ku eedeeyay inay gaalnimada u dhowaadeen (ama u gudbeen) saddex arrimood oo waaweyn awgood:

  1. Aaminsanaantooda ah in koonku uu yahay mid soo jireen ah oo daa’imi ah, taas oo si cad uga hor imanaysa Qur’anka oo sheegaya abuurista koonka.
  2. Inay inkireen in Allah uu ogyahay tafaasiisha yaryar oo dhan, taas oo ah isdiido kale oo weyn.
  3. Inay diideen soo-nooleynta jidheed, taas oo mar kale ah isdiido cad.

Dhanka Al-Qazaali, kuwani ma ahayn khilaafaad yar oo dhanka falsafadda ah; waxay taabanayeen aasaaska iyo seeska caqiidada Islaamka.

Maxay tahay sababta Al-Qazaali uu muhiim u yahay maanta?

Digniintiisii weli waa mid taagan maanta: caqligu waa mid qiimo leh, balse waxyiga ayaa ka sarreeya.

Muhiimadda Imaam Al-Qazaali waxay ku jirtaa dheellitirka (balance) uu ka dhex abuuray caqliga iyo waxyiga. Ma uusan ugu yeedhin Muslimiinta inay iska daayaan fikirka—taas waxay noqon lahayd aqoon-nacayb iyo wax ka hor imanaya Islaamka—balse wuxuu ugu yeedhay Muslimiinta fikir edebsan oo salka ku haya Qur’anka iyo Sunnada.

Al-Qazaali wuxuu u arkaa caqliga qalab, qalabkaasna ma aha mid aan khaldami karin oo wax walba ka sarreeya.

Wuxuu ku dooday in caqligu noqdo u adeegaha waxyiga, ee uuna ka saramarin. Sababtu maxay tahay? Sababtoo ah caqliga aadanuhu wuxuu leeyahay xad; aadanuhu waa caadifi, kibra, illowsho badan, oo garashadoodu kooban tahay. Halka waxyigu ka yimid Allaha aqoontiisa iyo xigmaddiisuba kaamilka tahay.

Marka ay caqliga iyo waxyigu u muuqdaan inay iska hor imanayaan, Al-Qazaali wuxuu ku doodayaa in waxyigu ahaado midka ugu sarreeya, halka caqligana tahay in la saxo lana qabjabinayo (humbled).

Haddaba, waa sababtan darteed ta aan u rumeysnahay in aqristayaasha dhallinyarada ah ee Muslimiinta ah ay tahay inay akhriyaan Al-Qazaali ka hor inta aanay si qoto dheer u gelin buugaagta Al-Faaraabi iyo Ibn Sinaa. Al-Qazaali wuxuu dhisayaa seeska aqooneed ee Islaamka ee lagama maarmaanka u ah in loo dhowaado falsafadda iyadoo aan lagu dhex lumin.

Tan micnaheedu ma aha inaan diidno Al-Faaraabi iyo Ibn Sinaa. Labadubaba waxay ahaayeen mufakeriin waaweyn, kuwaas oo wax weyn ku darsaday falsafadda, mantiqa, iyo caafimaadka. Balse waa muhiim in la garto saamaynta xooggan ee falsafadda Giriiggu ku lahayd fekerkooda iyo rabitaankooda ah inay caqliga sooca ah kor ugu qaadaan in kabadan xadkiisa sugan, waana khatartaas tan uu Al-Qazaali inooga digayay.

Dhallinyarada Muslimiinta ah ee maanta waxay ku nool yihiin adduun caabuda garaadka, gooninimada qofka (individuality), iyo madax-bannaanida aadanaha (human autonomy). Siyaabo badan, isla-weynidii caqliga ee uu Al-Qazaali naqdiyay qarniyo ka hor waxay nala joogtaa maanta iyadoo aargoosi doon ah.

Digniintiisii weli waa mid taagan maanta: caqligu waa mid qiimo leh, balse waxyiga ayaa ka sarreeya. Garaadka aadanuhu wuxuu inagu hagi karaa hir fog, balse hanuunka Eebbe la’aantii kuma nabad galayno.

Waana sababtaas, aragtidayda, Imaam Al-Qazaali uu u yahay mid ka mid ah difaacayaashii ugu wanaagsanaa ee waxyiga ee taariikhda xaddaarada Islaamka.

Continue

Move through the archive