Skip to article

Poetry / Gabay

Dawaaf

Caruurnimo dareenkii Yartii dariska iga galay Dugsigiyo quraankii Yartaan uga dibjiray een Sida hoos u daba galay Anigoon danqaab iyo Dala’siiyahaa qabin Oo duruusta barashiyo Imtixaan diyaarsaday Xusuus igu dhex duugnayd Midabkeedii dahabkiyo Saw...

Caruurnimo dareenkii

Yartii dariska iga galay

Dugsigiyo quraankii

Yartaan uga dibjiray een

Sida hoos u daba galay

Anigoon danqaab iyo

Dala’siiyahaa qabin

Oo duruusta barashiyo

Imtixaan diyaarsaday

Xusuus igu dhex duugnayd

Midabkeedii dahabkiyo

Saw iguma soo dagin

Dabarkii ilkaha iyo

Dabacsani u socodkii

Damaq li’i u hadalkii

Daganaanta lagu ladhay

Dib umaana daalacan

Anigiyo darmaantii

Dookhayga noqotoo

Durdur iyo xareediyo

Dhulkoo doogu uu simay

Damaashaadna lagu jiro

Geed damala hoostii

Sheeko daadihinaynoo

Taariikho duugiyo

Wakhtigii na kala diray

Damaqii uu beeriyo

Duruuftii adkaydee

Midba dunida soo maray

Diifteedi reebnoo

Ka dawownay gocashoo

Caashaqu daruurtiyo

Dayaxaba na dhaafshoo

Samadaa dusheena ah

Ku dakaynay maalmoo

Xidigaha dawaafnoo

Dunidani idaylkeed

Dusha kaga wareegnoo

Meel dira diraaliyo

Xaasid aanu dagi karin

Haasaawe dooriyo

Kaftan maanu daadihin

Anoo dadab galkaygiyo

Arooskii diyaarshoo

Midii aan ku daabacay

Dubaaqa iyo jiidhkeen

Laabta daarta uga dhigay

Ee aan dumarba kala baxay

Halkaan dagi lahayn iyo

U diyaarshay hoygii

Rag doorana warkaygii

Dagdag aan u siiyoo

Loowada diyaar yahay

In la ii durbaan tumo

Waagu saw ma daalicin

Hareeraha markaan dayay

Darmo qudha anoo kali

Baaxaa dagaayoo

Barkimada dugsanayuun

Dareen li’i masoo kicin!

Waxay laabtu doontiyo

Riyo ila dawaaftaa

Jacayl uu dabkiisiyo

Nuurkiisi damayoo

Aan duugay waa hore

Doogtiisa kicisee

Marna maana doonayn

Nabaryohow damqanayaa

Inaan qolofta diiree

Naftaa igu dirqiyaysoo

Calafkeedan daahaa

Daldalooladeediyo

Caashaqii dabayshaday

Hadba dib u xusaysee

Qalbiyohow dareen li’i

Danahaaga bogo oo

Dayacii kusoo maray

Diiwaanka galiyoo

Taariikhda daabacan

Cashir aan ku diirsado

Oo dakharadaadii

Dib u saxa ka qaadoo

Durba nolosha guud iyo

U dhis dayrka guulaha.

Mohamed Eid

About the Writer

Mohamed Eid writes from Somali memory, language, and public service.

Afka Suugaanta is Mohamed Eid's archive of Somali maqaalo, poetry, diaspora stories, cultural reflection, and justice-focused writing. The work is written for readers who care about language, belonging, family memory, and artistic expression.

Continue

Move through the archive