Skip to article

Poetry / Gabay

Aabo

Ab iyo isirkaygiyoow Albaabkii dunida ee Ifkaba aan kasoo galoow Nudihii la iga soo unkee Asluubta isoo baree Alifka iisoo qabtoow Itaalkiyo xoogii aan Intaa ku istaagayee I daadihinaayayoow akaademigii naftee aqoon iyo waayo...

Ab iyo isirkaygiyoow

Albaabkii dunida ee

Ifkaba aan kasoo galoow

Nudihii la iga soo unkee

Asluubta isoo baree

Alifka iisoo qabtoow

Itaalkiyo xoogii aan

Intaa ku istaagayee

I daadihinaayayoow

akaademigii naftee

aqoon iyo waayo arag

naftayda ka oon baxshoow

abbaar aan tiigsadiyo

rajada aan aawilaba

ilayskii daarayoow

abwaankaygii dhabtee

akhlaaqda isoo baree

afkana iga soo saxoow

Walow lagu oofsadoo

Anoo yar xaqaagu yimid

Iftiin baad ii tohoo

Waxaan intifaacsadaa

Aqoontaad ii dhigtoo

Ayaan qudha maan ambane

Illaah janadiisa iyo

Udgoone (SCW) agtiisa iyo

Kugee ilo wada biyo ah

Fardowsa Amaan ku joog

Mohamed Eid

About the Writer

Mohamed Eid writes from Somali memory, language, and public service.

Afka Suugaanta is Mohamed Eid's archive of Somali maqaalo, poetry, diaspora stories, cultural reflection, and justice-focused writing. The work is written for readers who care about language, belonging, family memory, and artistic expression.

Continue

Move through the archive