Skip to article

Poetry / Gabay

QOLOF

Qolof jooga CanadiyoQalbi tagay HargaysooAdi kula qaxweeyiyoNaftan lagugu qoofalayQayrkaa ma aragtooQuluubtaad ku tahay kali Qudhaydii ma joogtooAnigoo qalfoof ooHadba kala qaboobooMaalmo qiimo badaniyoFarxad qaadanaynaanQarawgii ka toosaa Quruxdiyo dadnimadaadMaankii ku qaadooLaab kugu qabawdiyoWadne aad ku...

Qolof jooga Canadiyo
Qalbi tagay Hargaysoo
Adi kula qaxweeyiyo
Naftan lagugu qoofalay
Qayrkaa ma aragtoo
Quluubtaad ku tahay kali

Qudhaydii ma joogtoo
Anigoo qalfoof oo
Hadba kala qabooboo
Maalmo qiimo badaniyo
Farxad qaadanaynaan
Qarawgii ka toosaa

Quruxdiyo dadnimadaad
Maankii ku qaadoo
Laab kugu qabawdiyo
Wadne aad ku qurantoo
Quful kuugu xidhanyahay
Baan amar ka qaataa

Inaan qoys yagleeloo
Qormo aan wadaagnana
Qaadirbaan ka tuugaa
Salaadiyo qushuucdoo
Kugu qanacday laabtuye
Qadar kooban ii samir…..

About the Writer

Mohamed Eid writes from Somali memory, language, and public service.

Afka Suugaanta is Mohamed Eid's archive of Somali maqaalo, poetry, diaspora stories, cultural reflection, and justice-focused writing. The work is written for readers who care about language, belonging, family memory, and artistic expression.

Continue

Move through the archive