Skip to article

Poetry / Gabay

CASAR

Casar liiqa galabLibdho cawl ah ooCidhifkana biyahaKu casaysayooAan caad lahaynCalmashada indhahaWaa u caafimaad Adna curub janooyCaqligaygiyeeyKaama caajisooCodkaagoo qudhaanKu cawaal baxaa Caashaq bay sitooCindigiyo niyadaAdigaa culooKu casuumanooCurub iyo midhiyoCinab kaaga lulay Dhul cagaaran ooCarfayoo udgoonCatiir...

Casar liiqa galab
Libdho cawl ah oo
Cidhifkana biyaha
Ku casaysayoo
Aan caad lahayn
Calmashada indhaha
Waa u caafimaad

Adna curub janooy
Caqligaygiyeey
Kaama caajisoo
Codkaagoo qudhaan
Ku cawaal baxaa

Caashaq bay sitoo
Cindigiyo niyada
Adigaa culoo
Ku casuumanoo
Curub iyo midhiyo
Cinab kaaga lulay

Dhul cagaaran oo
Carfayoo udgoon
Catiir lagu gam’iyo
Caw aan kuu dhigee
Mar uun ila cawee!

About the Writer

Mohamed Eid writes from Somali memory, language, and public service.

Afka Suugaanta is Mohamed Eid's archive of Somali maqaalo, poetry, diaspora stories, cultural reflection, and justice-focused writing. The work is written for readers who care about language, belonging, family memory, and artistic expression.

Continue

Move through the archive