Sahankii aan diray, Sabankii dhawaa, Wuu soo noqdoo Sadkaygii maqnaa Wuu soo dhawyahay, Rajo saafiyoo Aan sugay baryaa Soo muuqatoo Saadaasha iyo Saxansadu waa Saymaale roob Kama guurin samo Samirkii ma dhigin Xadhigaan sidkiyo...
By murtidamaxamed1 min readGabay
Sahankii aan diray,
Sabankii dhawaa,
Wuu soo noqdoo
Sadkaygii maqnaa
Wuu soo dhawyahay,
Rajo saafiyoo
Aan sugay baryaa
Soo muuqatoo
Saadaasha iyo
Saxansadu waa
Saymaale roob
Kama guurin samo
Samirkii ma dhigin
Xadhigaan sidkiyo
Saxalkii aan diray
Sanqadh lagu farxay
Soo yeedhiyeen
Inkastoon sabool
Caydh soof ah iyo
Soo maray duruuf
Sacabada waqay
Uma dhigan si’aan
Soor ugaga helo
Aadmi ila sinmoo
Rabbi baan samiyo
Ka rajeeyay saad
Oon ula sir tagay
Anoo soofmayoo
Gaajo soohmaybaan
Nafta sabi jiroo
Samirkaa xigaal
Ii ahaa sokoo
Aan saanyan jiray
Kamanaan siqine
Wali waan sitaa
Siraad ii baxaan
Wali daba socdaa
Jid aan seestaybaan
Wali sigib tiraa
Safarkuna waloow
Saldhigiisa tagin
Ma saluugo oo
Dhabadaan saxaa.
Mohamed Eid
About the Writer
Mohamed Eid writes from Somali memory, language, and public service.
Afka Suugaanta is Mohamed Eid's archive of Somali maqaalo, poetry,
diaspora stories, cultural reflection, and justice-focused writing.
The work is written for readers who care about language, belonging,
family memory, and artistic expression.
Gidaarkii dhaxantee Nafta gaadh u noqdee Aan ku hoos gam’ayaay Garabkii midigee Gadgadoonka aduun Marka aan ku gafeen Guuro fiirsi la’aan Gacan ii fidisee Gargaar ii noqotaay Hooyaday gacalooy Galool...