Galabtaan ku bartee Bilaneey kulanaan Qalbigayga badhkii Bino kaaga dhisoo Wadnahaad barkataa Adigaa bilic dheer Boqolaal dumaroo Boogahaad ka dhaydaa Qalbi baahi qaboo Waxaad baananaysaa Kal dartaa u buktoo Biixi baad kabaysaa Iyo boogo...
By murtidamaxamed1 min readGabay
Galabtaan ku bartee
Bilaneey kulanaan
Qalbigayga badhkii
Bino kaaga dhisoo
Wadnahaad barkataa
Adigaa bilic dheer
Boqolaal dumaroo
Boogahaad ka dhaydaa
Qalbi baahi qaboo
Waxaad baananaysaa
Kal dartaa u buktoo
Biixi baad kabaysaa
Iyo boogo qarsoon
Naftan soo balbashee
Caashaq uu budliyaad
Birmadkeeda tahoo
Aad baxnaaninaysaa
Burjigii noloshee
Aan ku oon baxayaay
Bogga waad hanatee
Abidkaa ku balwee
Side beer ubaxloo
Ilo ay burqadaan
Doog kasoo baxayoo
Nafta baahi tirtaay
Feedhaydii bidixee
Badhka ii noqotee
Bilis aan ka xushee
Beerka ii dejisaay
Baadisooc dumareey
Balwad ii noqotoo
Kaama oon baxayee
Kasha hoo ku balwee
BY Mohamed Eid
About the Writer
Mohamed Eid writes from Somali memory, language, and public service.
Afka Suugaanta is Mohamed Eid's archive of Somali maqaalo, poetry,
diaspora stories, cultural reflection, and justice-focused writing.
The work is written for readers who care about language, belonging,
family memory, and artistic expression.
Gidaarkii dhaxantee Nafta gaadh u noqdee Aan ku hoos gam’ayaay Garabkii midigee Gadgadoonka aduun Marka aan ku gafeen Guuro fiirsi la’aan Gacan ii fidisee Gargaar ii noqotaay Hooyaday gacalooy Galool...