Skip to article

Poetry / Gabay

HALABSIGA

Halabsiga alabsiga naftaanHabeenkii saq dhexeHeed heetin iyoKu jiraa hurgumo Hawlahaan ku jiroWaan hubinayaa Hir magoolayay iyoMayay hooray iyoHadhac lagu nastaanHanka galiyayooSaan ku heli lahaaHalgan baan u galay Sida halo irmaanLooga dhamo haneedAma haro biyo...

Halabsiga alabsiga naftaan
Habeenkii saq dhexe
Heed heetin iyo
Ku jiraa hurgumo

Hawlahaan ku jiro
Waan hubinayaa

Hir magoolayay iyo
Mayay hooray iyo
Hadhac lagu nastaan
Hanka galiyayoo
Saan ku heli lahaa
Halgan baan u galay

Sida halo irmaan
Looga dhamo haneed
Ama haro biyo ah
Loogu haqab go’ee
Haraad loogu tiro

Yaan u heelanahoo
Waxaan halabsadaa
Hadba dawga uu
Hadhku iga jiroo
Hoynta guushu waa
Hadafkayga qudha.

About the Writer

Mohamed Eid writes from Somali memory, language, and public service.

Afka Suugaanta is Mohamed Eid's archive of Somali maqaalo, poetry, diaspora stories, cultural reflection, and justice-focused writing. The work is written for readers who care about language, belonging, family memory, and artistic expression.

Continue

Move through the archive