Change

Trees sway in wind, a dance so free,
Nature’s symphony, a symphony.
Sunrise brings new light to the day,
With colors bold, it leads the way.

Snowflakes fall, a gentle kiss,
A blanket of white, a peaceful bliss.
Raindrops tap, a soothing beat,
Nature’s rhythm, can’t be beat.

Nature’s beauty, a constant show,
Each day a new scene, for us to know.
Sunset fades, a stunning hue,
A reminder that change is due.

Like weather, life is ever-changing,
With its own beauty, rearranging.
Embrace the journey, take it slow,
And find the beauty in each flow.

Nature’s art, a source of peace,
Inspiration to live life with ease.
So let us look, and be inspired,
And let its beauty, always be admired.

@murtidamaxamed

Aabo

Ab iyo isirkaygiyoow

Albaabkii dunida ee

Ifkaba aan kasoo galoow

Nudihii la iga soo unkee

Asluubta isoo baree

Alifka iisoo qabtoow

Itaalkiyo xoogii aan

Intaa ku istaagayee

I daadihinaayayoow

akaademigii naftee

aqoon iyo waayo arag

naftayda ka oon baxshoow

abbaar aan tiigsadiyo

rajada aan aawilaba

ilayskii daarayoow

abwaankaygii dhabtee

akhlaaqda isoo baree

afkana iga soo saxoow

Walow lagu oofsadoo

Anoo yar xaqaagu yimid

Iftiin baad ii tohoo

Waxaan intifaacsadaa

Aqoontaad ii dhigtoo

Ayaan qudha maan ambane

Illaah janadiisa iyo

Udgoone (SCW) agtiisa iyo

Kugee ilo wada biyo ah

Fardowsa Amaan ku joog

Mohamed Eid

Hooyo

Koonkaba anigoona iman
Ayaan ku kadeedayoo
Jidhkaaga intaan ku koray
Dhibkeeda ma koobi karo

Kulaykii foosha ee
Dartay xumad kuu kartiyo
Sidaan uurka kuugu dhibay
Qalbiga kama saari karo

Sidaad ii kaabtayeed
Habeenkoo kala badh tagay
Hurdada iigaga kacdee
Kalgacal iigu soo habtaan
Hooyooy kol walbaba xusaa

Sidaad ii kor joogtayee
Kolay gaajana ku tahay
Kashayda u buuxisee
Koolkaan dhargo een gam’ona
Kurbada u ilowday baan
Hooyooy kol walbaba xusaa

Waloow aan kaam dhib badan
Qoxooti kadeed ah iyo
Ku koray xarumaha dayacan
Adaan kolna baahi iyo
Dhar aan korka saarto oon
Qayrkay kaga sara mariyo
Ii waayin waxaan kohdee
Aduunka kadeed ha mudan

Kacaanka markaan ahaa
Ilaa aan kaalin galay
Adaa kalahaada hore

Dartay dhaxan ugu kacoo

Kaaryoone alaab ah iyo

Yaanyiyo kibis iibiyoo

Kaalmiyo garab ii noqdee
Kulaylada jahanamiyo
Rabigu naar kaa xoree


Koriinkaygoo qudhaad
Kul iyo diihaal martoo
Hadaan kumanaan hantiya
Korkaaga aan dhoobo oon
Kaba dahab kaaga dhigo

Kol qudha oon kaa hinqaday
Xaqeeda ma kaafiyee
Kariim janadii kugee

Hooyooy koolkoolontii
Dadaadkiyo kaabidii
Markaan kufo dhiirintii
Daryeelkiyo kaafintii
Kolaba ma iloobeyee
Karaahiyo ciil ha mudan

Mohamed Eid

Dawaaf

Caruurnimo dareenkii

Yartii dariska iga galay

Dugsigiyo quraankii

Yartaan uga dibjiray een

Sida hoos u daba galay

Anigoon danqaab iyo

Dala’siiyahaa qabin

Oo duruusta barashiyo

Imtixaan diyaarsaday

Xusuus igu dhex duugnayd

Midabkeedii dahabkiyo

Saw iguma soo dagin

Dabarkii ilkaha iyo

Dabacsani u socodkii

Damaq li’i u hadalkii

Daganaanta lagu ladhay

Dib umaana daalacan

Anigiyo darmaantii

Dookhayga noqotoo

Durdur iyo xareediyo

Dhulkoo doogu uu simay

Damaashaadna lagu jiro

Geed damala hoostii

Sheeko daadihinaynoo

Taariikho duugiyo

Wakhtigii na kala diray

Damaqii uu beeriyo

Duruuftii adkaydee

Midba dunida soo maray

Diifteedi reebnoo

Ka dawownay gocashoo

Caashaqu daruurtiyo

Dayaxaba na dhaafshoo

Samadaa dusheena ah

Ku dakaynay maalmoo

Xidigaha dawaafnoo

Dunidani idaylkeed

Dusha kaga wareegnoo

Meel dira diraaliyo

Xaasid aanu dagi karin

Haasaawe dooriyo

Kaftan maanu daadihin

Anoo dadab galkaygiyo

Arooskii diyaarshoo

Midii aan ku daabacay

Dubaaqa iyo jiidhkeen

Laabta daarta uga dhigay

Ee aan dumarba kala baxay

Halkaan dagi lahayn iyo

U diyaarshay hoygii

Rag doorana warkaygii

Dagdag aan u siiyoo

Loowada diyaar yahay

In la ii durbaan tumo

Waagu saw ma daalicin

Hareeraha markaan dayay

Darmo qudha anoo kali

Baaxaa dagaayoo

Barkimada dugsanayuun

Dareen li’i masoo kicin!

Waxay laabtu doontiyo

Riyo ila dawaaftaa

Jacayl uu dabkiisiyo

Nuurkiisi damayoo

Aan duugay waa hore

Doogtiisa kicisee

Marna maana doonayn

Nabaryohow damqanayaa

Inaan qolofta diiree

Naftaa igu dirqiyaysoo

Calafkeedan daahaa

Daldalooladeediyo

Caashaqii dabayshaday

Hadba dib u xusaysee

Qalbiyohow dareen li’i

Danahaaga bogo oo

Dayacii kusoo maray

Diiwaanka galiyoo

Taariikhda daabacan

Cashir aan ku diirsado

Oo dakharadaadii

Dib u saxa ka qaadoo

Durba nolosha guud iyo

U dhis dayrka guulaha.

Mohamed Eid

Nimcooyinka eebbe inagu manaYstay

Ku baraaruga Gallada Illaahay ee noloshaada ku jira.

In qofku tirsado nimcooyinka uu haysto oo ku baraarugsanaado waxay wax badan ka badashaa hab fikirka qofka iyo qaabka uu u wajahayo dhibaatooyinka iyo duruufaha nolosha ee soo wajaha. Aadmigana waxa ku badan ku baraarugsanaanta dhibaatada iyo waxa inaga maqan raadintiisa, ee muhiimad badan ma siino waxa aynu haysano ku xamdigooda. Illahay quraankiisa wuxuu ku leeyahay isaga oo inta tusaya muhiima ay leedahay in aan ka mahadnaqno nimcooyinka aan haysano: ﴾لئن شكرتم لأزيدنكم ولئن كفرتم إن عذابي لشديد ﴿”Haddaad ka mahad celisaan (ku shukridaan) nimcooyinka aan idin siiyay, waan idiin badin (siyaadin) haddaad se ku kufridaan oo ka abaal dhacdaan, cadaabkaygu waa mid daran.” Ibrahim 7 tafsiirka Sheekh Maxamuud (AUN) Dhanka suugaanta Soomaaliga haddaynu uleexano, Hadraawi (AUN) waa kii tuducyo ka mid ah maansadiisa ‘Dabahuwan’ kusoo qaatay isla arintan isaga oo leh: 

“Addoonku Rabbow ma dayo

deeqdaada intuu hantiyo

duntii maqan buu tebaa

wax uu degdeg kaaga filay

haddaanay ku soo dul quban

cadhuu la dakaamayaa

dibnuhu baryaday karaan

daryeel kama mahad ceshaan

jiilaal la darbaysanyahay

diihaal iyo gaajo kulul

haddii beri roob ka da’o

qof doogey markaas illow

siduu u ducayn yiqiin

xusuusba ka sii durduri

Nin duunyadu mool ku tahay

dadkiisuna maansha yahay

ayaa misna kuugu duda

waxaanu u daafad hayn

qofkaad shar u diiddan tahay

u doortay si kahyr ku jiro

ayaa misna kuugu duda

waxaad uga daacad tahay”       

Haddaan wax yar is dultaagno erayadan cajiibka ah, nafteenana aynu muraayada hor gayno, waxaa inoo soo baxaysa in inteena badani ay ku sifoobayso tilmaamaha abwaanku sheegay ee sida wax loo baryo uun yaqaana, balse mahad celinta ka madhan. Marwalba oo duruuf iyo baahi ina qabsato waynu naqaanaa sida gacmaha kor loogu taago, marka ducadeena la aqbalo ee aynu muraadkeena helno, inyar mooyee inteena badani waaban iska illownaa inaynu baahi aragnay oo la inoo gargaaray. 

Haddaan usoo noqdo faa’iidooyinka ku jira mahadnaqa iyo qaabka ay wax uga badalaan, waxaa jira cilmi baadhisyo badan oo ka hadlaya faa’iidooyinka ay leedahay in qofku tirsado nimcooyinkiisa oo ka mahad naqo. Haddaynu hal iyo laba kasoo qaadano daraasadahaas iyo natiijooyinka kasoo baxay, Dr. Robbert Emmons oo ah aqoonyahanada kasmo-nafeedka ee wax ka dhiga Jaamacada Kaalifoorniya ee Davis ayaa wuxuu sameeyay daraasad ay ku eegayaan sida mahad naqa iyo ka war haynta nimcooyinka aad haysato ay farxad kuu siin karaan, ayaa wuxuu ku ogaaday in ay is badal badan oo dhanka wangaasan ah kala kulmeen bukaano la daalaa dhacayay xanuunada dhimirka. Daraasadan oo uu ku eegay saddex kooxood ayaa waxa lagu ogaaday in qaybtii tirisay nimcooyinkoodu ay ka farxad badnaayeen qaybihii kale ee dhibaatooyinka hayta tirsaday. Marka qofku cabasho iyo catow uu maalinkiisa ku qaato, ama cadho iyo diiqad wakhtigiisa ku lumiyo, wuxuu dayacaa fursad uu nimcooyinka mawle ugu deeqay uga faa’idaysto. 

Caqabadaha ka dhasha in uu qofku dhibaatooyinka haysta xoogga saaro waxaa ka mid ah, daal maskexeed hoos u dhiga hawl maalmeedkiisa sida in uu shaqooyinkii maalinlaha ahaa qaban kari waayo. Welwel badan oo hadheeya qalbigiisa si joogto ah maadaama wax lagu farxo oo noloshiisa ahi ayna u muuqan. Iyo in uu marwalba wakhtiga ku lumiyo waxa qayrkii haystaan ee isaga ka maqan, taas oo keenta in qofka xasadkiisu bato, dadka kaleba guulaha iyo horumarka ay gaadhaan uu ka xumaado ama u quudhi waayo. Waxa afkiisa ku bata erayada quusta iyo yasmada ah ee uu isku maaweeliyo marwalba oo cid uu yaqaaano ay talaabo horay u qaado. 

Faa’iidooyinka mahadnaqa iyo nimco tirsashadu aad bay u bdanyihiin, haddaynuse hal iyo laba ka soo qaadano, 1. Waxay adkaysaa qanaacada nafta. Qofku marka oo xooga saaro waxa gacanta ugu jira ama hareera yaala, waxa dhadhan u sameeya noloshiisa taas oo yareysa welwelka gudeed ee ka dhasha damaca wax aanu gaadhi karin. 2. Waxaa badata deeqsinimada qofka. Qofku marka uu ogyahay waxa uu haysto kana mahad celiyo wixii la siiyo, wuxuu ku dedaalaa in uu hoos u fiiriyo cidda aan haysan intiisa in le’eg ee uu caawin karo. 3. In qofku dantiisa iyo hawlihiisa gaarka ah ku mashquulo. Taas oo yaraynaysa in uu cid kale wax ay haysato damco ama xaasido. 

Waxaa jira saddex qaab oo qofku kor ugu qaadi karo ka warqabka nimcooyinka uu haysto iyo ka mahadnaqooda. 1. Samayso buug maalinle ah oo aad ku qorato nimcooyinka aad haysato ee illaahay ku siiyay sida caafimaadka, cibaadada iyo camalka wanagasan ee aad samaysaba. 2. La saaxiib dadka kugu baraarujiya hibooyinka aad leedahay in ka badan intay kuu sheegaan dhaliilahaaga. Saaxiibku waa muhiim, waxaana haboon in aad xulato saaxiib ku taageera e aan lugaha kugu dhagin. 3. Wax ka badal hab fikirkaaga iyo qaabka aad naftaada ula sheekaysato. Cadowgaaga ugu wayni waa naftaada, haka ogolaan inay ku han jabiso ama ku tusto inta kaa maqan. Marwalba adigu tus inta aad haysato ee aad hawlyaraan ku heshay. 

Furiinkii cadayga

Waxa uu ahaa wiil mudo badan ku mashquulsanaa waxbarasho oo aan jaanis badan u helin sheeko iyo haasaawe. Inta ugu badan wuxuu dhalinyaronimadiisa ku qaatay kalinimo oo qol gaar ah ayuu ka dagaanaa guryaha jaamacada. Inkasta oo ay jikada wadaagi jireen ardey kale oo guriga qayb ka deganaa, ma ahayn dadka wax karsada oo inta badan umuu baahan jirin isticmaalkeeda. Wuxuu la qabsaday koobnaantaas iyo noloshaa isku tiirsanaanta ah ee aanu qofna waxba ku darsan. 

Markii uu jaamacada dhameeyay hore ayuu shaqo ka bilaabay, wuxuuna guri kooban oo labo maqsin ah ka iibsaday meel magaalada dhexdeeda ah. Maadaama oo wakhtigii badnaa ee uu waxbarashada galin jiray soo koobmay, shaqadiisuna aanay ahayn mid culays iyo saacado dheeri ah uga baahan, wuxuu dareemay kalinimada isku-filaanta. Wuxuu garwaaqsaday inuu u baahanyahay wehel iyo qof nolosha la qaybsada. 

Waxay is barteen gabadh sidiisa aqoon leh oo wax baratay, dabeecad ahaanse aad uga duwan isaga. Waxay la noolayd ehelkeeda, gurigana waxaa ku wehelinayay dhawr caruur ah oo iyada hoos uga sii yaraa. Intii hore ee ay isku cusbaayeen aad buu u koolkoolin jiray, oo marna mayna dareemin daneyn la’aan dhankiisa ah. Waxay ku heshiiyeen inay aqal galaan, reerkuna waa isugu duceeyay. 

Maadaama oo aanu noloshiisa intii badnayd cidna la soo noolaan, durba waxaa culays ku noqday nolosha wax qaybsiga iyo lamaanaha oo sida uu dareemay khalkhal galisay isku-filaanshihii iyo maamulkii kaligii gacanta ugu jiray. Inaksta oo gabadhu ku dedaashay in aanay talada ka faro maroojin xaajigeeda, waxay dareentay in wax kasta oo ay samaysaa diiqad galiyaan. 

Wax uu dulqaato oo iska adkaystaba, maalinkii dambe ayuu furka tuurtay. Dhibku wuxuu ka dhashay dawada cadyga. Xaaskiisu waxay dawada cadayga ka maroojisaa dhexda markay isticmaalayso, halka isagu uu salka ugu dambaysa kasoo tuujiyo. “Waxaa tahay qof aan masuuliyad garanayn oo mudayac ah. Maalin walba dawada cadayga waad khasaarisaa. U malayn maayo inaan sidan kusii wada joogi karno, ee iigu yeedh oday warqada kuu qaada.” Hadalada caynkaas ah oo iyada qaadan waa ku noqday, waxay ahaayeen sababtii qoyskoodu ku burburay, dhibtuse intaa ka xeeldheer. 

Mohamed Eid

Dareen

Dareen i lulaa i sudhan

Qalbiga dakharbaa ku yaal

Kal daacad ah oon jeclaa

Duruuftuna riixdayoo

Intii dabar lagu tigtigay

La iga dayraan tabaa

Dunteedi wanaagsanayd

Dabuubteedii wacnayd

Dubkiyo jiidhkaa taboo

Hadaan doc kaleeto iyo

Asaageed aan dersana

Rooxaan didisaa jirtoo

Dambuun baan korodhsadaa

Darteed boqolaal u jaray

Jar iyo dawyo uga dhacay

Dulmiyo aafaad u galay

Dad aan waxba ii dhimayn

Xanuunkii kula dul dhacay

Doog iyo nabaraba ku dhigay

La’aanteed waan darsaday

Daraadeed waan han jabay

Jacaylkaan daawan jiray

Hadeerto la iiba diid

Waxbaa isku kaaya diray

Diirkii naxayaa i maqan

Daruur dhul abaarsadiyo

Badwayn ka dul hoortayoo

Dadkana nacfi aan u tarin

Sideeda u doorsamoo

Cidlada ku dareen burqaday

Dushayda iftiin sudhnaa

Dahriga nuur ka unkanaa

Dadkuna ila daawan jiray

Intay waayuhu dansheen

Ayay farxadii dileen

Dabeyl mugdiyay sudheen

Jacaylkaan dool u galay

Doolaalada aan u maray

Nasiibka dilaaciyoow

Adaa dhalay diiqadee

Hadmaad diihaalka iyo

Dayowgaba iiga tudhi?!

Mohamed Eid

Bilan

Galabtaan ku bartee

Bilaneey kulanaan

Qalbigayga badhkii

Bino kaaga dhisoo

Wadnahaad barkataa

Adigaa bilic dheer

Boqolaal dumaroo

Boogahaad ka dhaydaa

Qalbi baahi qaboo

Waxaad baananaysaa 

Kal dartaa u buktoo 

Biixi baad kabaysaa 

Iyo boogo qarsoon 

Naftan soo balbashee

Caashaq uu budliyaad

Birmadkeeda tahoo

Aad baxnaaninaysaa

Burjigii noloshee

Aan ku oon baxayaay

Bogga waad hanatee

Abidkaa ku balwee

Side beer ubaxloo

Ilo ay burqadaan

Doog kasoo baxayoo

Nafta baahi tirtaay

Feedhaydii bidixee

Badhka ii noqotee

Bilis aan ka xushee

Beerka ii dejisaay

Baadisooc dumareey

Balwad ii noqotoo

Kaama oon baxayee

Kasha hoo ku balwee

BY Mohamed Eid

Sahan

Sahankii aan diray,

Sabankii dhawaa,

Wuu soo noqdoo 

Sadkaygii maqnaa

Wuu soo dhawyahay,

Rajo saafiyoo

Aan sugay baryaa

Soo muuqatoo

Saadaasha iyo

Saxansadu waa

Saymaale roob

Kama guurin samo

Samirkii ma dhigin

Xadhigaan sidkiyo

Saxalkii aan diray

Sanqadh lagu farxay

Soo yeedhiyeen

Inkastoon sabool

Caydh soof ah iyo

Soo maray duruuf

Sacabada waqay

Uma dhigan si’aan

Soor ugaga helo

Aadmi ila sinmoo

Rabbi baan samiyo

Ka rajeeyay saad

Oon ula sir tagay

Anoo soofmayoo

Gaajo soohmaybaan

Nafta sabi jiroo

Samirkaa xigaal

Ii ahaa sokoo

Aan saanyan jiray

Kamanaan siqine

Wali waan sitaa

Siraad ii baxaan

Wali daba socdaa

Jid aan seestaybaan

Wali sigib tiraa

Safarkuna waloow

Saldhigiisa tagin

Ma saluugo oo

Dhabadaan saxaa.

Mohamed Eid